”Waxay tirinaysaa maalmaha u harsan si ay iskaga furto!” – Trump oo gelaya xaalad xil & xaas beel ah

0

(Washington DC) 08 Nof 2020 – MW Trump ayaa looga adkaaday doorashadii Maraykanka, waloow aanu weli aqbalin, balse waxaa la sheegayaa in Donald Trump uu sidoo kale waayi karo xaaskiisa.

Marwada Koowaad ee Melania Trump oo 2016-kii sheegtay inay ilmaysey markii uu duqeedu xilka ku guulaystey, waloow uu qof saaxiib ihi sheegay ‘inaysan marnaba filaynin inuu guulaysanayo’, ayay 5 bilood ku qaadatay inay New York kasoo wareegto oo kulasoo biirto Washington DC, iyadoo ku doodday in wiilkeeda Barron uu u baahan yahay inuu dugsiga dhamaysto.

Yeelkeede, Stephanie Wolkoff oo kaaliye hore u ahayd ayaa sheegtay in Melania ay ku jirtey wada xaajood gorgortan ah oo ay ku doonaysey in Barron dhaxalka Trump laga siiyo saami la eg inta kale.

Ms Wolkoff ayaa sidoo kale kashiftay in iyada iyo Trump aysan xitaa isla deganayn marka ay wada joogaan Aqalka Cad, halka kaaliyihii hore ee Omarosa Manigault Newman ay sheegayso in guurkan 15-jirka ihi uu dhamaaday oo ay ‘Melania tirinayso maalmaha yar ee uu madaxwaynaha sii yahay si ay iskaga furto.’

”Haddii ay Melania hadda bahdisho oo iska furto inta uu xilka hayo, wuxuu heli karaa marmarsiinyo uu uga aarsado.” ayay tiri Omarosa.

Marar badan ayaa maxfallada bulshada lagu arkay iyaga oo muujinaysa inuusan jirin jacayl ku dhex lunsan MW oo 74-jir ah iyo xaaskiisa haatan oo 50-jir ah, iyadoo xitaa mar la arkayey iyada oo iska filqaysa gacantiisa. Waxaa kale oo la sheegay inuu jiro heshiis ay ku wada jiraan oo ah inaysan wax xun ka sheegin ugu yaraan waqti xaadirkan.

Hadalsame Media