”Kaa maarmay!” – Turkiga oo markii ugu horreeysey daroonnadiisa ku xirey bikaacyo uu isagu samaystay (Canada oo fursad iska lumisay)

0

(Ankara) 08 Nof 2020 – Turkiga ayaa markii ugu horreeysey daroonnadiisa is wada (UAVs) ku xirtey kaamirooyiinka loo yaqaan CATS oo uu isagu samaystay kaddib markii ay Canada hakad gelisey inay agabkaa ka iibiso.

Kaamirooyinkan ayaa durba lagu xirey daroonnada TB2, oo ay samayso shirkadda Turkiga ah ee Baykar, waxaana kaamirooyinka sameeyey shirkadda kale ee Turkiga ah ee ASELSAN, sida ay Baykar soo tweet garaysay.

Daroonkan ayaa si lagu guulaystey u toogtey bartilmaameed loo asteeyey isagoo adeegsanaya kaamirooyinkan iyo gantaalaha MAM-L, oo ay farsamaysay isla shirkadda kale ee Turkiga ah ee ROKETSAN.

Bishii Oktoobar, ayay ahayd markii ay Canada ku dhawaaqday inay hakisay rukhsad ay Turkiga ku siin jirtey agabkan oo qayb ka ahaa daroonnada Turkiga iyadoo taa ugu hiillinaysa Armenia oo guuldarrooyin kala kulmaysa Azerbaijan oo ay ka haystaan gobolka Nagorno-Karabakh, waxayna adeegsadaan daroonnada Turkiga.

Isla markiiba Turkiga ayaa ku dhawaaqay inuu isagu samaysan doono bikaacyada isha dheer oo muhim u ah shiishka iyo sahanka daroonnada.

Hadalsame Media