Musharrixiintii ugu badnayd oo si wadareed u diidey Guddiga Doorashada DF (War Saxaafadeed)

0

(Muqdisho) 08 Nof 2020 – Qaar badan oo ka tirsan siyaasiyiinta u sharraxan xilka Madaxtinnimada dalka Somalia ayaa kusoo biiray diidmada Guddiga Doorashada ee ay magacowday Madaxtooyadu, sida ku cad qoraal rasmi ah oo ay soo saareen.

Musharrixiintan oo 12 gaaraya ayaa soo jeediyey in lagu noqdo Guddiga la magacaabay oo ay sheegeen in aanu ahayn mid dhex dhexaad ah iyagoo soo jeediyey in la ilaaliyo sida uu qabo Qodobka 60-aad ee Dastuurka oo amraya in uu Guddiga Doorashadu madax bannaanaado.

Waxay soo jeediyeen in la soxo qaabka loo magacaabay Guddiyo laba heer ah oo ay sidoo kale ku jiraan kuwa gobollada qaarkood, sida midka loo saaray Somaliland.

Waxaa Guddigan awal si gaar gaar ah uga hor yimid musharrixiinta CC Warsame iyo Daahir Geelle.

Hoos ka akhri.

Hadalsame Media