Madaxda reer Yurub oo loo jeediyey inay hal arrin uga daydaan dalka Turkiga (Waa maxay?)

0

(Ankara) 06 Nof 2020 – Madaxda reer Yurub ayaa loo sheegay inay Turkiga uga daydaan sida ay ula macaamisho soo galootiga iyo qaxootiga, sida uu sheegay Jan Egeland, xoghayihii guud ee Golaha Qaxootiga Norway sidoo kalena ka tirsanaa Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee QM.

“Madaxda Yurub waa inay eegaan sida Lubnaan, Urdun, Turkey iyo Liberia ay xadadkooda iyo qalbiyadooda ugu fureen dadka rayidka ah ee magangelyada raadsanaya,” ayuu Egeland kusoo qoray Twitter-ka, isagoo sheegay in dalalka Galbeedka ee tas-hiilaadka ku filan haystaa aanay culays saarin dalalka kale.

Egeland ayaa soo qaatay daraasad laga sameeyey dalalka ugu badan ee qaxootiga qaabiley iyadoo ay Turkiga soo galeen 4.3 milyan oo qaxooti ah, kuwaasoo ka badan qaxootiga tegey dal kasta oo kale 10-kii sanadood ee tegey, isagoo si ka wanaagsan Lubnaan u maareeyey qaxootiga.

Mid ka mid ah xeryaha ugu casrigan waa mid ku fadhida 102,000-mitir oo afar jibbaaran (25-acre) oo la yiraahdo Yayladağı taasoo ku taalla gobolka koonfurta ee Hatay, taasoo ay ku nool yihiin 4,000 oo qaxooti ah oo deggan 776 guri.

Xeradan ayaa leh isbitaal, iskuul, maktabad, masaajid, garoon kubadeed, 3 meelood oo ay carruurtu ku ciyaaraan oo ay maamusho Bisha Cas ee Turkigu (Kizilay) waxaana ka shaqeeya 200 oo shaqaale ah oo heegan ah 24 saacadood.

Hadalsame Media