”Caad igama saarra inaan MW noqonayo!” – Biden oo guul ku geeraaraya kaddib markii uu hoggaanka u qabtay gobol muhim ah + Wararkii ugu dambeeyey

0

(Washington, DC) 06 Nof 2020 – Waxaa lagu kala bixi rabaa doorashada madaxtinnimada Maraykanka iyadoo uu haatan Joe Biden hoggaanka u qabtay gobolka Biden Pennsylvania oo go’aamin kara madaxwaynaha xiga, halkaas oo 95% codadka la tiriyey.

Biden ayaa sidoo kale hoggaanka u haya Gobolka koonfureed ee Georgia oo uu Trump tirsanayey, kaasoo 99% codadka la xisaabay.

Intaa kuma ekee Biden ayaa sidoo kale hoggaaminaya gobollada Nevada iyo Arizona, waloow uu hoggaankaasi weli caato yahay.

MW Donald Trump ayaa mar kale isagu ku celiyey inuu doorashada ku guulaystey, isagoo ka cowday wax uu ku sheegay “musuq baahsan oo ka dhacay codayntii boostada”, waloow aanu keenin wax caddayn ah.

Joe Biden ayaa dadka Maraykanka u jeediyey inay is dejiyaan, isagoo hoosta ka xarriiqay in aan caad yari ka saarrayn ”inuu noqonayo Madaxwaynaha xiga ee Maraykanka”, kaddib markii uu 66.9% ka helay 120 milyan oo codeeyey, wax noqday tiradii abid ugu badnayd.

Dhanka Electoral College-ka, wuxuu Biden qarka u saaran yahay inuu helo 270-ka loo baahan yahay, isagoo maraya 253, halka uu Trump ilaa shalay sidii koolladii ku dhegey 213.

Labada Aqal, midka sare waa barbarro oo waa min 47, iyadoo aqlabiyaddu tahay 50+1, halka Aqalka hoose ee Wakiillada ay kala leeyihiin 208 oo Dimoqraadiga ah iyo 196 oo Jamhuuriga ah, aqlabiyadduna waa 218 kursi.

Hadalsame Media