Doorashada Maraykanka oo ay kusoo bexeen dad badan oo Muslimiin ah oo markii ugu horreeysey loo doortay Aqallo kala duwan (Soomaali ku jirta)

0

(Washington, DC) 06 Nof 2020 – Mauree Turner, oo ah 27-jir ah oo xubinna ka ah Jaaliyadda Muslimiinta ee Oklahoma City sidoo kalena muddo dheer u doodaysey dib u habaynta cadaaladda dembiyada Maraykanka, ayaa noqotay qofkii ugu horreeyey ee Muslim ah ee kursi ka hela Baarlamanka Oklahoma.

In ka badan 100 musharrax oo Muslim ah ayaa sanadkan u taagnaa doorashada kuraasida, kuwaasoo ay ku jireen gabadha Soomaaliyeed ee Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib oo iyaga mar kale la doortay.

Turner oo diinta Islaamka ka raacday aabbeheed oo Muslimay, ayaan ahayn qofka qura ee Muslim ah ee markii ugu horreeysey la doortay, balse waxay sidoo kale arrintan oo kale oo ugub ihi ka dhacday gobollada Colorado, Delaware, Florida, Oklahoma iyo Wisconsin oo doortay sharci dejiyeyaal Muslim ah oo wada Dimoqraadi ah. Turner ayaa Degmada 88-aad ee Oklahoma uga badisay Kelly Barlean oo Jamhuuri ah.

New York, Zohran Kwame Mamdani, ayaa kursi ka helay Baarlamanka New York, isagoo meteli doona Degmooyinka Astoria iyo Queens. Charles Fall, oo isna ilaa 2009-kii ahaa Muslimka qura ee ku jira Baarlamanka ayaa isna dib loo doortay.

Iman Jodeh, oo ah cod ka dhex muuqda Muslimiinta Denver ayaa meteli doonta Denver iyo Aurora iyadoo gashay Aqalka Wakiillada Gobolka Colorado.

Christopher Benjamin, oo ah ruug caddaa ka tirsanaa Ciidanka Maraykanka ayaa ku guulaystey Degmada 107-aad ee Florida, isagoo noqonaya Muslimkii ugu horreeyey ee abid dhex fariista Aqalka Wakiillada Gobolka Florida.

Waxaa sidoo kale Madinah Wilson-Anton, oo falanqeeye siyaasadeed ka ah Jaamacadda  University of Delaware’s Biden Institute, ay Aqalka Baarlamanka Dover ku gashay codad dhan 72%.

Samba Baldeh, oo ah kasoo jeeda Gambia ayaa sidoo kale gashay Aqalka Madison, Wisconsin. California, Farrah Khan oo ka tirsanaa Golaha Degaanka Irvine City Council ayaa noqday Duqa Magaalada Irvine oo dhan.

Minnesota, wiilka Soomaaliyeed ee Omar Fateh ayaa loo doortay Senet-ka Gobolka isagoo metelaya Degmada 62-aad. Michigan, ninka kasoo jeeda Hamtramck ee Abraham Aiyash ayaa Degmada 4-aad ugu jiri doona Aqalka Wakiillada Gobolka.

Gobolka Oregon, gabadha Soomaaliyeed ee Nafisa Fai ayaa noqotay gabadhii ugu horreeysey ee Muslim ah iyo xitaa qofkii ugu horreeyey ee madow ah oo ka mid noqda Guddiga Degmada ee Washington County Commission.

Halka jug ee musharrixiinta Muslimka ah soo gaartey waxay ka timid Virginia, halkaasoo Qasim Rashid, oo ah gayfane Muslim ah iyo qarreen xuquuqda aadanaha ah ay u suurageli waydey inuu markale kusoo nqodo degmada 1-aad oo uu qofkii Koongarayska Maraykanka ku meteli lahaa uu uga badiyey Robert Wittman oo Jamhuuri ah.

FILE – In a February 2020 file photo provided by Mauree Turner For HD88, Mauree Turner poses for a photo in Oklahoma City. For nearly 100 years in Oklahoma, Democrats controlled the state Legislature in large part with a majority of Democrats from rural parts of the state. While it was a long election night for Oklahoma Democrats Tuesday, Nov. 3, 2020, who also saw the lone Democrat in the state’s congressional delegation lose a close race, progressives cheered the election of Mauree Turner, the first openly nonbinary and Muslim person elected to state office in Oklahoma. (Qazi Islam/Mauree Turner For HD88 via AP)

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media

Facebook Comments