”Haddaan runta kuu sheego Soomaalidu agtayda ”SUMCAD” kuma laha!” – Wasiirka Casriyaynta Norway oo furka ku xooray fal lagula kacay gabar Soomaali ah

0

(Oslo) 06 Nof 2020 – Nikolai Astrup, Wasiirka Dowladaha Hoose iyo Casriyaynta Norway, ayaa aad u cambaareeyey fal lagula kacay gabar Soomaaliyeed oo lagu hayb soocay dalka Norway.

Wasiirka ayaa boggiisa Twitter-ka soo geliyey war lagu yiri gabadha oo Farmashiiste baratay mar ay shaqo u doonatay meel Farmashiye ah.

Gabadha ayaa lagu yiri: ”Haddii aan daacad kuula hadlo, aragti xun ayaan runtii Soomaalida ka haystaa,”, taasoo uu wasiirku ku tilmaamay mid aan ”marnaba la aqbali akrin”, isagoo warka ku tag gareeyey warbaahinta maxalliga ah.

SIDEE WAX U DHECEEN? Iido Aadan ayaa waraysi shaqo ugu tagtay farmashiyaha silsiladda ah ee Vitusapotek degmada Stovner ee Oslo.

Balse kaddib waraysigii ayuu ninkii waraystaha ahaa wuxuu bilaabay inuu si guud wax uga sheego Soomaalida oo uu sheegay inuusan jeclayn.

”Waxay ku jirtaa wararka iyo tirakoobka,” ayuu yiri isagoo kombiyuutarka kasoo saaraya xogo kala duwan oo Soomaalida ka bixinaya sawirro xun, kaddibna waxaa ilmaysey Iido oo arrintan ka xumaatay.

”Waa arkaa inaad arrintan ka xumaatay, intaan ka badan ayaan kuu sheegi rabey, balse hadda waan joojinayaa.” ayuu yiri kaddib iyadoo ka istaagtey goobtii una sheegtay in haddii uu doonayo wax iyada ku saabsan uu eegi karo tixraaceeda ee aanay ahayn inuu hal il ku fiiriyo umad dhan.

Ninkii ayaa deeto gabadha raalli geliyey, balse arrintu waxay gaartey warbaahinta dalka Norway.

Hadalsame Media