Jabuuti oo 16 sarkaal oo Tigree ah oo soo goostay ku celisey Itoobiya (Xeer ay ku xadgudubtey)

0

(Jabuuti) 06 Nof 2020 – Jabuuti ayaa Itoobiya u gacan gelisey 16 sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Tigreega ee TPLF, kuwaasoo ay gacanta ku dhigeen Ciidanka Ilaalada Jamhuurigu kaddibna ay su’aalo waydiiyeen Sirdoonka Jabuuti ee SDS oo uu hoggaamiyo Hassan Said Khaireh.

Saraakiishan oo Jabuuti magangelyo waydiistey ayaa la sheegayaa inay Jabuuti soo galeen Talaadadii kaddib markii ay DF Itoobiya ay weerar ku qaadday Gobolka Tigraay oo dowladda dhexe isku taagayey bilihii dambe.

Saraakiisha ayaa Arbacadii loo duuliyey Itoobiya iyadoo lagu sido dayuurad xamuul ah oo ay leeyihiin Ciidanka Cirka Jabuuti.

Saraakiishan la gacan geliyey ayaa Dowladda Jabuuti ka baryey in aan la celin iyagoo soo hadal qaaday Cahdiga Geneva ee la saxiixay 1951-kii oo diidaya in dadkan lagu celiyo dalka ay kasoo carareen.

Hadalsame Media