DHEGEYSO: Sweden oo isku haysata hindise lagu xadaynayo hubka gaarka loo haysto

0

(Stockholm) 06 Nof 2020 – Hindisaha cusub ee dowladda Sweden ee ku saabsan sida wareegtada cusub ee MY ee hubka looga dhaqan gelinayo Sweden ayaa taageero ka waysan Baarlamanka dhexe ee Riksdag. Taasoo sii adkaatay kaddib markii uu xisbiga Moderaterna uu sheegay inuu xeerkaa ka codeeynayo, sida uu sharraxayo hoggaanka xisbigaasi Ulf Kristersson.

Sida ay Ekot saaka faafisay, hindisahan oo uu keenay Wasiir Gudeedka Sweden, Mikael Damberg, waxaa ka mid ah in la ballaariyo calaamaynta iyo diiwaan gelinta hubka si loo buuxiyo dalabka EU, taasoo haatan cambaarayn kala kulmaysa xisbiyada Sweden min midig ilaa bidix.

Xisbiyada SD, C, V iyo KD ayaa ballan qaaday inay hindisahan diidi doonaan, iyagoo ku doodaya in dowladdu ay xaajada baraxa ka badinayso oo ay arrintani saamaynayso dadka hubka u haysta sida sharciga ah.

Ekot ayaa isku dayaysa inay arrintan wax ka waydiiso Wasiir Gudeedka Sweden ee Mikael Damberg.

Hadalsame Media