Macallinka Xulka Talyaaniga oo laga helay cudurka Covid-19

0

(Coverciano) 06 Nof 2020 – Xiriirka Talyaaniga ee FIGC ayaa ku dhawaaqay in uu karoone ku dhacay macallinka Xulka Talyaaniga ee Roberto Mancini waloow weli wax astaamo ihi ka muuqanin.

Macallinka Azzurri ayaa haatan gurigiisa isku karaantiilay kaddib markii laga sheegay cudurka COVID-19.

“Xilli la sameeynayey barista joogtada ah ee kulamada soo socda ee UEFA qaban qaabiso, macallin Roberto Mancini waxaa laga helay COVID-19,” ayaa lagu yiri war laga soo saaray xarunta xiriirka FIGC.

Xiriirka ayaa sheegay in uu xulka kusoo biirayo marka la maro hab-raaca caafimaad ee FIGC iyo UEFA.

Hadalsame Media