”Ronaldo sidaa abidkii ma yeeleen!” – Messi oo lagu haysto arrin uu sameeyey kulankii Dynamo Kiev (Daawo)

0

(Barcelona) 05 Nof 2020 – Lionel Messi ayaa weerar dhanka baraha bulshada ah lagu qaaday kaddib markii lasoo qaatay muuqaal muujinaya “danayn la’aan” iyada oo uu kubad la ag marayo laacib ka tirsan Dynamo Kyiv oo ay Arbacadii ku kulmeen Champions League.

Waloow uu Covid-19 uu kala reebay kooxda Dynamo Kyiv misna Barcelona ayaa u dhidideyy guul ciriiri ah oo ay 2-1 kaga gaartey Nou Camp iyadoo uu rigoore deg deg ah u dhaliyey Messi halka uu gelinkii 2-aad uu madax ugu labeeyey Gerard Pique.

Yeelkeede, gool uu Viktor Tsygankov soo gudey daqiiqaddii 75-aad ayaa woxoogaa dood geliyey guusha kooxda Ronald Koeman oo haatan kaalinta 1-aad uga jirta Wareegga G ee Champions League.

Messi daqiiqaddii 5-aad dhaliyey rigoorihiisii 4-aad fasal-ciyaareedkan oo uu jiilaal ka haysto dhalinta goolasha caadiga ah ayay taageerayaashu ku eedeeyeen inuusan kubadda raacanin, iyagoo ku xifaaleeyey in Ronaldo aanu ”abidkii sidaa yeeleen.”

Taageerayaal isaga difaacaya ayaa ku dooday inay ciyaartu dhamaad ahayd, balse maadaama aan la joojin isla markaana ay 2-1 tahay waa ciyaar furan oo ay tahay in si daacad ah loo wajoho, weliba marka ay sidan oo kale suuragal u tahay in lagu barbarreeyo.

Hadalsame Media