Maxay Somaliland ka tiri in ay ciyaaraha gobollada kasoo qayb galaan laacibiin ka tirsan Xulka Somalia?!

0

(Hargaysa) 05 Nof 2020 – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland, Max’ed Cabdullaahi Siciid Khaawi, ayaa la waydiiyey su’aal ku saabsan inay Ciyaaraha Gobollada Somaliland ay ka qayb galaan dhallinyaro u ciyaarta Xulka Qaranka Somalia.

Waxaa sidoo kale la waydiiyey dhallinyarada qaarkood ee tartankaa ka qayb gelaya oo sidoo kale ka dheela Horyaalka Somalia, waloow ay qaar kasoo jeedaan isla woqooyiga dalka.

Khaawi ayaa sheegay inuu soo dhoweeynayo inay Ciyaaraha Somaliland ka qayb galaan dad ka yimid wax uu ku sheegay ”dalal kale” sida Muqdisho, Puntland iyo DDS ee Itoobiya ka tirsan.

Wuxuu tusaale usoo qaatay horyaallada qaaradda ee kala duwan iyo Koobka Horyaallada Yurub ee ka dhexeeya kooxaha Yurub.

”In maanta Somaliland lagu soo hirto oo wiilka ka yimid Muqdisho, Garoowe ama Jigjiga uu ciyaareheenna kasoo qayb galo isagoo xirfaddiisa gadanaya sharaf wayn bay noo tahay.” ayuu yiri Khaawi oo aan ka jawaabin su’aasha Xulka Qaranka Somalia.

Hadalsame Media