Raysal Wasaaraha Sweden oo isaga iyo xaaskiisa la karaantiilay iyo xaalkiisa (Dhegeyso)

0

(Stockholm) 05 Nof 2020 – RW Sweden ee Stefan Löfven ayaa is karaantiilay kaddib markii qof ka mid ah kuwa ku dhow dhow uu la macaalimay qof laga helay cudurka coronavirus sida la xaqiijiyey.

Löfven ayaa Facebook kusoo qoray in isaga iyo xaaskiisu ay haatan wanaagsan yihiin isla markaana aanay ka muuqanin wax astaamo ah, balse ay iska qaadi doonaan tijaabada cudurka Covid-19, sida ugu dhaqsaha badan.

Sida uu sheegay RW Lövfen, shalay galab unbaa lagu war geliyey in qof isaga ku dhowaa uu sidoo kale la joogey qof la xaqiijiyey inuu qabo cudurka karoonaha, taasoo keentay inuu iminka is karaantiilo madaxa xukuumadda Sweden.

Hadalsame Media