Imaaraadka oo bilaabaya inuu Israel kasoo iibsado khudaar kasoo baxda dhul laga haysto dalal Carbeed (Cidda ka faa’iidaysa)

0

(Tel Aviv) 04 Nof 2020 – Imaaraadka ayaa lagu wadaa inuu bishan bilaabo inuu Israel ka iibsado khudaartii iyo mirihii ugu horreeyey, sida ay sheegtay Wasaaradda Beeraha iyo Horumarinta reer Guuraaga Israel.

Imaaraadka ayay sheegtay inuu arrintan ogolaaday kaddib markii ay kulamo yeesheen Wasiirka Beeraha Alon Schuster, shaqaalaha wasaaradda iyo Wasaaradda Isbedelka Cimilada iyo Degaanka Imaaraadka.

“Tani waxay khabar wanaagsan u tahay beeraleeyda Israel,” ayuu yiri Schuster oo la hadlaya Jerusalem Post. “Heshiiska aannu la galnay Imaaraadka waxaa ka mid ah iskaashi dhanka beeraha ah mustaqbalka.” ayuu yiri.

Imaaraadka ayaa sanadkii $10 bilyan oo doollar kusoo iibsada khudaar iyo miro, iyadoo ay Israel oo haysata beero ay ka dhacday Falastiin haysata ay iyada oo ka faa’iidaysanaysa heshiiskii ay Agoosto la gashay Imaaraadka balaayiin doollar ka heleeysa nidaamka Abuu Dabeey oo aan ilaa haatan caddayn karin waxa uu heshiiskan ka dheefayo.

Jerusalem Post, ayaa Schuster kasoo xigatey in la ballaarinayo miisaaniyadda kabka ah ee beeraleeyda Israel si loo kordhiyo wax soo saarkooda oo hadda kaddib ka faa’iidaysan doona suuqa Imaaraadka oo aan baahi gaar ah u qabin inuu badeeco ka iibsado Israel.

Imaaraadka ayaan dhanka kale cadaadis ku saarin Israel in khudaarta ay ka iibsanayaan aysan noqonin mid kasoo go’day dhulalka ay ka haystaan Falastiin sida ay yeelaan Midowga Yurub, iyadoo todobaadkii tegey la sheegay in khamriga Israeli ee laga sameeyo canabka Golan Heights oo laga haysto Suuriya loo dhoofinayo Imaaraadka.

Hadalsame Media