”Hoggaamiye waa midkii dadka u DAMQADA!” – Siyaasi ka mid ah musharrixiinta oo cambaareeyey ban-baxa lagu qabtay magaalo biyo dhex taalla

0

(Muqdisho) 04 Nof 2020 – Musharraxa Daahir Maxamuud Geelle ayaa dhaleeceeyey hab-dhaqanka DF oo shalay Muqdisho ku qabatay wax lagu sheegay ”ban-bax” oo ah in meel inta la tago maalmo lagu soo nasto iyadoo koox la yahay, iyadoo la arkayey sawirrada XF oo wada dhan min RW ilaa Wasiirro oo waqti ku qaadanaya hoteelka qaaliga ah ee Decale xilli ay dowladdu magaalada ku leedahay boqollaal dhisme.

Marka laga soo tago in maaliyadda qaranka oo inta badan ka timaada deeq dibadeed iyo xoogaa laga ururiyo Muqdisho ay u baahan tahay in lagu bixiyo dano ka mudan middaan, waxaa arrinta xiise gaar ah u yeelaysa in Muqdisho oo ah halka uu gebi ahaanba ka yimaado dakhliga maxalliga ah ee DF oo idil ay biyo dhex taallo marka ay wasiirradu qabsanayaan kulamo baashaal iyo madax degsi ah, taasoo marka damqasho la’aanta laga soo tago xitaa muujinaysa faham darro xaaladeed.

Geelle ayaa soo qoray: ”Hoggaamiyaha astaamihiisa waxaa ka mid ah; in uu yahay mid aad u turis badan oo damqada. Muqdisho waxay ku jirtaa xaalad adag, nolosha dadka shacabka ahna way sii adkaanaysaa.

”Dadkii waxay dhex taagan yihiin biyo, joog iyo jiif inay ka tageena waxaa u dheer, khatar caafimaad darro oo soo wajahaysa. Wadooyinkii waa burbureen, danyartii daadad ayaa u galay, haddana xukuumaddu waxay samaynaysaa shirar aan shucuurtoodu la jaanqaadi karin xaaladda taagan.

”Shacabka halloo dhaqaaleeyo waxa yar ee loo hayo, in huteelo qaali ah lugu kireeyo dhaqaalihii la rabay in daadadka lugu maareeyo waa masuuliyad xumo. Dawladdu guryo ma wayn, dareenka iyo damiirka dadka ha laga xishoodo.

Wuxuu soo qaatay xadiiska Nabawiga ah ee tilmaamaya in qof kasta la waydiin doono mas’uuliyadda saaran, iyadoo micnaha mas’uuliyadiba ay tahay ”wax la is waydiinayo.”

عن ابن عمر ـ رضي الله عنهما ـ قال: سمعت رسول الله ـ صلى الله عليه وسلم ـ يقول: “كلكم راع، وكلكم مسؤول عن رعيته : الإمام راع ومسؤول عن رعيته……..”

Hadalsame Media