Imaaraadka oo koox gooni u goosad ah oo Yamani ah u adeegsanaya arrin halis ah (Diiwaan gelin lagu kala soocayo shacabka Yaman oo ka bilaabatay Suqadra)

0

(Suqadra) 04 Nof 2020 – Golaha KMG ah ee Koonfurta Yaman (STC) ayaa xafiis uu ka furtay jasiiradaha Suqadra wuxuu ka bilaabay arrin uu dadka Yamaniyiinta ah ee ka yimaada qaybaha kale ee dalkaasi loogu tilmaamayo inay yihiin “ajnabi”, sida ay qortay Anadolu.

Ilo maxalli ah ayaa wakaalad wareedkaa u sheegay in shaqaalaha Yamaniga ah xafiiska STC ee Suqadra looga diiwaan geliyey inay yihiin “ajnabi rukhsad uga baahan maamulkaasi iyadoo loola dhaqmayo inay shisheeye yihiin”, waloow ay Suqadra oo ay Somalia sidoo kale sheegato ay haatan sharciyan hoos tagto Yaman.

Ururka STC oo ah mid doonaya inuu gooni u goosto Yamanta Koonfureed ayaa sidoo kale awood ciidan ku kala diray dad isku dayey inay arrintan ka dibed baxaan.

“Go’aankani wuxuu xoojinayaa qorshaha Imaaraadka oo doonaya inuu isagu maamulo jasiiraddan istaraatijiga ah oo ku taalla halka ay iska galaan Badwaynta Hindiya iyo sidoo kale Gacanka Cadmeed.” ayuu qof is qariyey u sheegay wakaaladda.

Imaaraadka ayaa xitaa la sheegay inuu doonayo inuu Israel soo dejinayo halkaasi, taasoo ah mid ay abid ku riyoonaysey inay cagta dhigto afaafka laga galo badaha ku xeeran dalalka Carabta iyo kuwa Muslimka ah.

Hadalsame Media