NASA oo sheegtay inay heshay dhadhaab cireed ka qaalisan dhaqaalaha adduunka oo dhan (Muxuu ka samaysan yahay?)

0

(Cape Canaveral) 02 Nof 2020 – Hay’adda Hawada Sare ugu qaybsan Maraykanka ee NASA ayaa qabatay sawirka dhadhaab cireed naadir ah oo ka wayn Gobolka Massachusetts ee woqooyi bari Maraykanka kaasoo dhex heehaabaya meel u dhaxaysa meerayaasha Mars iyo Jupiter – kaasoo qiimihiisa lagu sheegay $10,000 quadrillion.

Dhadhaab cireedkan oo lagu magacaabo 16 Psyche ayaa lagu arkay fogaan aragga wayn ee ay NASA leedahay ee Hubble Telescope sida uu daabacay Planetary Science Journal.

Cilmi baaris cusub ayaa muujinaysa in dhadhaab cireedkani uu leeyahay qiime aad u sarreeya. Wuxuu isu jiraa 140 mayl (225.3 km) ballac ahaan, isagoo 70,000 oo jeer ka qiime badan dhaqaalaha dunida oo idil.

Sababtu waxay tahay in dhadhaab cireedkani uu gebi ahaanba ka sameeysan yahay biro qaali ah sida dahab, bir iyo nickel.

Saynisyahanka meerayaasha ee Tracy Becker ayaa sheegtay in dhadhaab cireedkan  Psyche uu yahay xuddunta hoose ee dhul cillan ah oo aan si buuxda u samaysmin kaddib markii ay walax adagi herdiyeen isagoo heehaabaya hannaan qorrexeedka, sida ay qabto.

Becker ayaa tilmaantay inuu dhulka u jiro 230 milyan oo mayl (370.1 milyan oo km) isagoo dhex gadgadoomaya suunka wayn ee hannaan qorrexeedka u dhexeeya meerayaasha Mars iyo Jupiter oo ah labada meere ee dhulka ka hooseeya marka laga soo tiriyo dhanka qorraxda.

Hadalsame Media