Laacib Soomaali ah oo ay mar Chelsea kaalin sare ka filaysey oo ku dambeeyey KOOFIYAD iibin!

0

(London) 02 Nof 2020 – Laacib mar loo arkayey xiddiggii dhulka oo xitaa gaarey heer uu safo Jose Mourinho ”The ‘Special One” oo xilli-horaadkii safay kulan saaxiibtinnimo oo ay Chelsea ciyaaraysey ayaan noqon sidii la filayey.

Isagoo 12-jir uun ah, wuxuu Islam Feruz bilaabay inay gacan u taagaan dadkii joogey Akadamiyaha da’yarta ee Celtic iyadoo lagu tilmaamay xiddiggii ugu fiicnaa ee muddo kasoo baxa kubadda Scottish-ka.

Nasiib xumo waxaa The Hoops, xiddigaa ay hibada ku tebayeen ka war helay oo markiiba ogaadey kooxaha kale, waxaana ugu hor martay Chelsea oo weerarkan orodka badan soo qaadatay Sebtember 2011.

Wuxuu markaa ahaa 15-jir aan weli xitaa ku biirin waawayn kooxda, balse Blues ayaa ka bixisay £300,000 ($390,000) iyagoo qabey inay lacag yar ku heleen.

Si kastaba markii uu 22-jir gaarey wuxuu noqday laacib la maarayn waayey, isagoo xitaa iska muujin waayey fursaddii ugu dambaysey ee kooxda heerka 2-aad ee Swindon Town Jannaayo 2017-kii.

Waxay Chelsea iska fasaxday Jannaayo 2019-kii isagoo aan u safan kulan rasmi ah kooxda 1-aad amaba xitaa aan waxba u qaban kooxihii la amaahiyey, waxaana la sheegay inuu haatan iibiyo koofiyado ay ku qoran yihiin ‘Controversial One’, taasoo ka hooseeysa meesha laga fili karo laacib uu mar aad u qiimayn jirey the ‘Special One’…

Hadalsame Media