Azerbaijan & Armenia oo isku eedeeyey adeegsiga hub mamnuuc ah (Kolonyo gurmad ah oo laga gubey….)

0

(Baku) 02 Nof 2020 – Azerbaijan oo xiganaysa ilo sirdoon ayaa sheegtay inay dhici karto in Armenia ay adeegsato “rasaas ay ku jirto maadada fosfurusku (phosphorus)”, iyagoo dhankooda ka beeniyey eedayn hore uga timid Armenia oo sheegaysey in Ciidanka Azerbaijan ay adeegsadeen “fusfuruska cad” oo ay mamnuuc tahay in dagaallada loo adeegsado.

Dhanka kale Azerbaijan ayaa sheegatay inay shalay burburiyeen korlonyo ciidan ah oo gurmad ah oo ku wajahnaa magaalada Khojavend.

Azerbaijan ayaa sheegtay inay ku jejebiyeen duqayn cireed iyo madaafiicda waawayn ee goobta, iyagoo sheegtay inay halkaa ku gubeen gawaari ciidan oo iskugu jira kuwa gaashaaman iyo kuwa askarta iyo saanadda ciidanka qaada, iyadoo ay Wasaaradda Gaashaandhiggu ay twitter ku faafisay muuqaal.

Quwadaha Ruushka, Maraykanka iyo Faransiiska oo wax la wada Armenia oo iminka laga gacan sarreeyo ayaa dhowr mar isku dayey inay sameeyaan xabbad joojin ay Azerbaijan ku sheegtay mid lagu nasinayo Armenia, balse Turkiga oo xiriir dhiig la leh Baku ayaa ku baaqay in uusan dagaalku joogsanayn inta la haysto Karabakh oo 20% ka ah dhulka Azeriyiinta.

Hadalsame Media