DHEGEYSO: ”Waa idinku daba lunnay!” – Gobollada Sweden oo ka cabanaya talo kasoo baxday hay’ad ka tirsan Dowladda Dhexe

0
Scenic summer aerial panorama of the Old Town (Gamla Stan) pier architecture in Stockholm, Sweden

(Stockholm) 30 Okt 2020 – Istaraatijiyadda Sweden ee la macaamiliadda cudurka coronavirus  ee gugii hore waxaa inta badan la waafajiyey xaaladdii Stockholm, taasoo qaybo badan oo dalka ka mid ah ku adkaysay inay iska xakameeyaan faafitaanka cudurkan, sida ay qabaan dhakhaatiirka xakamaynta cudurrada faafa. Dr Hans Boman wuxuu ka howlgalaa qaybta xakakamaynta cudurrada faafa ee Västernorrland.

”Muuqaalka Stockholm ayaa noqday xiddiga hagaya dalka oo idil, taasoo keentay in gobollo badani ay bilowgiiba raadkeeda raacaan,” ayuu yiri.

Waxaa dhakhtarkaa ku ra’yi ah Dr Lisa Labbé Sandelin, oo qaybta xakakamaynta cudurrada faafa ugu qaybsan Kalmar iyo Dr Signar Mäkitalo, oo markaa isla xilkaa oo kale u hayey Gävleborg.

Hadalsame Media