DHEGEYSO: Booliiska Stockhholm oo heegan sare la geliyey kaddib weerarkii Faransiiska

0

(Stockholm) 30 Okt 2020 – Kaddib weerarkii argagixiso ee shalay lagu qaaday dadku ku jirey gudaha kaniisadda Notre Dame Basilica ee gobolka Provence-Alpes-Côte d’Azur, ayay Booliiska Stockholm waxay sare u dhigayaan ka war haynta, heeganka iyo sahanka meelaha xiriirka la leh Faransiiska.

Waxaa sababta ay tillaabadan u qaadayaan sharraxaad ka bixinaya Per Fahlström, oo ah ninka warfaafinta ugu qaybsan Booliiska caasimadda Stockholm.

Marka la eego heer qaran, booliisku ma xaqiijin in heegankani uu yahay mid sidoo kale laga hirgelinayo dalka Sweden oo idil iyo inay kaliya tahay waxa afka amaanka lagu yiraahdo dhacdo gaar ah oo ku eg Stockholm.

Yeelkeede, Sofia Hellqvist, oo sidoo kale ka mid ah afhayeennada booliiska, ayaa sheegtay inay ka war qabaan waxa dunida ka socda iyo gaar weerarka argagixiso ee Faransiiska sida ay tiri, iyadoo ballan qaadday inay tillaabooyinka ay qaadayaan ay taa ku salaysan yihiin.

Waxayna caddaysay in heerka heeganka oo caadiyan ka kooban 5 jaranjaro iminka la dallacay oo la gaarsiiyey booska 3-aad, balse ma aysan faahfaahin tillaabooyinka u qorshaysan ee ay qaadayaan.

 

Hadalsame Media