Maraykanka oo Israel siinaya bambo uusan abidkii dagaal u adeegsan oo burburin karta dhufaysyada aasan oo dayuurad gaar ah laga rido (Wax ka baro)

0

(Washington, DC) 30 Okt 2020 – Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Koongarayska ayaa doonaya inay todobaadkanba keenaan hindise sharciyeed cusub Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Maraykanka lagu farayo inay Israel ka iibiso bambooyinka hoos u geli kara dhufays dhuleedyada ugu qotada dheer caalamka ee ku aasan dhulka hoostiisa.

Sharcigan, ayay ku doodayaan inuu Israel gabbaad ka siinayo wax ay ku sheegeen awoodda Iiraan, wuxuuna qayb ka yahay dhowr tillaabo oo lagu hubinayo in aan la gaarin sarraynta dhanka tayada ee ay ku leedahay Gobolka Bariga Dhexe (QME).

“Waa in aannu hubaal ka dhignaa in ologeenna Israel lagu qalabeeyey una diyaar tahay ka hortag buuxa oo ay la gasho Iiraan nukliyeer ku hubaysan,” ayuu yiri Josh Gottheimer, oo ah Dimoqraaddi ka tirsan Koongarayska oo ka hadlayey shir jaraa’id.

Dhiggiisa Brian Mast, oo Jamhuuri ah, ayaa wax ka wada hindise sharciyeedkan oo lagu wado in la ansixiyo.

Maxay tahay bombadani? Ciidanka Cirka Maraykanka (USAF) ayaa haysta kayd badan oo ah Bambaanooyinka Xajmiga wayn oo dhulka Quusa (MOB) oo ku magac dheer dhufays dumiyeyaal, iyadoo bambadan oo GPS lagu hago ay culays la egtahay 30,000-oo rodol (14,000kg), waana bambo aan nukliyeer ahayd midda ugu wayn ee uu haysto Maraykanku.

Waxaa kaliya qaadda oo tuurta dayuuradda wax bambaysa ee B-2 oo lagu naanayso midda loogu cabsida badan yahay diyaaradaha dagaal ee Maraykanka maadaama aanu raadaarku arki karin, waana dayuurad aysan weli haysanin iyadoo sababta lagu sheegay inaysan u baahanin maadaama meelaha ay bartilmaameedsato oo dhami ay yihiin meelo ay gaari karaan dayuuradaha kale sida kuwa guuxooda ka dheereeya.

Bambadan ayaa tijaabadeeda la sameeyey 10 sanadood kahor kaddib markii la sheegay halis ka imanaysa North Korea iyo Iran, balse marna dagaal looma adeegsan. Sidoo kale bambadan ayaa ka mid ah hub fara ku tiris ah oo aanu Maraykanku abid ka iibin ama siinin Israel.

Bambadii iyada ka horreeysey ee Hooyada Bambooyinka (MOAB) – oo tumin uun ka ah awoodda midda aannu soo sheegtay – ayaa markii ugu horreeysey lagu ridey kooxda Daacish ee Afghanistan 13kii Abriil 2017-kii kaddibna lama adeegsan.

Koongarayska Maraykanka ayaa waxa qura ee ay ku midoobaan uu yahay taageerada aan shuruuddu ku xirnayn ee Israel, iyagoo dhanka kale xitaa isku khilaafa danaha qaranka Maraykanka.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media