Turkiga oo sameeyey dooni dagaal oo is wadda noocii ugu horreeyey & muuqaallada cajiibka ah ee ay leedahay sida caqliga macmalka ah

0

(Ankara) 29 Okt 2020 – Turkiga ayaa sameeyey doontii ugu horreeysey ee iyadu is wadda (AUSV) ee ay iyagu soo saaraan, taas oo ay dhistay Ares Shipyard oo kaashanaysa shirkadda Ankara-deggan ee Meteksan Defense Industry Inc., taasoo shalay lagu soo bandhigay caasimadda Turkiga.

Doonidan oo sambalkii 1-aad ah ayaa lagu wadaa in si buuxda loo dhamaystiro bisha Diseembar ee soo aaddan.

Doonidan dagaal ee is wadda (AUSV) ayaa gaari karta masaafo dhan 400 km (249 mayl), iyadoo saacaddii jareeysa 56 km, waxayna ku qalabaysan tahay bikaacyada habeenkii wax lagu arko iyo hannaan isgaarsiin baaqan oo aan la fahmi karin (encrypted).

Waxyaabaha ay qaadi karto waxaa ka mid ah noocyo kala duwan oo canaab ah, sida hubka elektaroonigga ah, midka wax lagu tashwiisho, agabyada basaaska iyo sidoo kale gantaalo kala nooc ah si loogu qabto howgallo kala duwan.

Doonidan dagaal ayaa iyadoo is wadda sidoo kale loo qaabeeyey inay la howlgasho kuwa la wado, iyadoo lahaan doonta hanaanka casriga ah ee caqliga macmalka ah (AI) iyo muuqaallo u saamaxaya inay iskeed kaligeed go’aanno deg deg ah uga qaadato xaaladaha xasaasiga ah.

Hadalsame Media