Japan oo badda ku daadinaysa biyo ay ka buuxaan kaah-fallo halis ah & Somalia oo ka mid ah dalalka u bandhigan

0

(Tokyo) 29 Okt 2020 – Biyo washakaysan oo ku kaydsan wershadda Fukushima ee Japan ayaa gaarey “heerar halis ah” oo kaahfalka ku jiraa uu aad u badan yahay, kuwaasoo xitaa la sheegay  “inay waxyeellayn karaan hidde-sidka aadanaha ee DNA”, sida ku cad warbixinta Greenpeace.

Warbixintan oo la yiraahdo Stemming the Tide 2020, ayaa ka digaysa in biyahaa ay ku jiraan isku-godyada kaahfalka leh ee Strontium-90 iyo Carbon-14, waxayna warbixintani soo baxaysa jeer ay Dowladda Japanese-ku ay ku tala jirto inay badda ku daadinayaan wax ay ku sheegeen biyo ay “daweeyeen.”

Wershadda Nukliyeerka Fukushima oo uu Sunaami ka dhashay bad-gariir muggiisu ahaa 9.0 uu burburiyey 2011-kii ayaa waxaa lagu hayaa biyo wasakhaysan oo ka badan 1 milyan oo tan, kuwaasoo in badda lagu qubo iyo in kale ay Dowladda Japan ka doodayso muddo sanado ah.

Kooxaha kalluumaysiga iyo dadka degaanka u dooda ayaa walaac wayn ka muujiyey in biyahaa kaah-falka leh badda lagu sii daayo, waloow ay culimada sayniska qaarkood ay sheegeen inay halistu ka yar tahay sida la moodayo, balse lama hubo.

Dowladda Japan ayaa doonaysa in ay biyahan oo lasii barxayo ay badda kusii dayso horraanta sanadka soo aaddan, iyadoo sidaa ku wadaysa muddo 30 sanadood ah. Greenpeace ayaa ku doodaysa inay reebi doonaan cawaaqib maxalli ah iyo mid caalami ah.

Dalalka badaha waawayn balse aanay cidina u jirin waxaa ka mid ah Somalia, oo inta la ogyahay ilaa 90-meeyadii siyaasiyiin lacag ku qaadanayeen in sun lagu beego waxaana siyaasiyiinta arrimahaasi ku cad yihiin ay xilal sare ka qabteen dalka.

Mana jirto cid Japan u diidaysa inuu baddeenna ku qubo biyahaa halista ah, iyadoo xitaa haddii aanu toos ugu shubinna ay si dadban saamayn ugu yeelan karaan mana jiraan xitaa wax lagu cabiro walxaha kusoo kordhi kara biyaha xeebaha dalka.

Hadalsame Media