Qaraxii lagu hoobtay ee Deg. Kaxda oo muujiyey abaabul xumo & habacsanaan amaan oo ay maamulku kow ka yihiin (Arag sida wax u dheceen)

0

(Muqdisho) 29 Okt 2020 – Wixii degmada Kaxda ka dhacay iyo cashirada ay tahay inaan ka baranno.

Habeen hore, gaari qaraxyo ka buuxaan ayaa ku baryay waaxda 5-aad ee degmada Kaxda, waxaa la ii sheegay iney la socdeen 5 qof oo hubeysan kuwaasoo watay dharka ciidanka dowladda.

Waxey joojiyeen dhismo jiingad ah oo halkaasi ka socday, waxaa loo sheegay in dhismahan ay ka warqabaan maamulka, si gaar ah gudoomiyaha waaxda 5-aad.

Raggii hubeysnaa ayaa amray iney u yeeraan gudoomiyaha u amray in dhismaha la fuliyo, dadkii guriga dhisanayay ayaa durba u yeeray gudoomiyaha, daqiiqado yar gudebeedna waaba uu u yimid.

Gudoomiye waaxeedka oo lagu magacaabo Ibraahim Coloow oo wata gaari Surf ah ayaa durba goobta yimid, waxaa la socotay Faaduma Mataan oo ololaha talaalka caafimaadka waday.

Raggii hubeysnaa iyo gudoomiyaha waaxda ayaa is helay, gudoomiyaha waxa uu ku yiri ” Maxaad dhismaha u joojineysaan maadaama aan amray anigan gudoomiyaha waaxda ka ah?” Wuxuu islahaa waa askar dowladeed.

Waxey u sheegeen inuu soo dagto oo ay dhulka ku wada hadlaan.

Saaduu u soo dagayna, iyagoo magaciisa sheegaya oo leh waxaa tahay qofkii aynu dooneynay ayey rasaas la dhaceen, halkaas ayuuna ku dhintay wll Ibraahim Coloow.

Faaduma Mataan oo la socotay gudoomiyaha la dilay ayaa iyadoo argagaxsan goobta ka carartay, iyadoo qeybaha danbe ee jirkeeda rasaasta ay kala dhaceen, taasoo keentay iney iyana walaasheen goobta ku naf baxday.

Raggii hubeysnaa waxey hore u sii qaateen gaarigii gudoomiyaha ay dileen oo ay ku baxsadeen, iyagoo isaga tagay gaarigii qaraxyada ay ka buuxeen.

Dadkii xaafada oo durba helay xogta labada qof ee la dilay ayaa deg deg u gaaray goobta, qiyaastii waxaa loo soconayaa mudo saacad ah, waxeyna shacabka birmaday ay wateen ku dhawaaad 7 gaari, lama socon marka hore wax askar ah, walow meeshaas khatarteeda laga warqabay.

Marka ay meesha tageen waxaa uga daba tagay Gudoomiyah degmada oo ay la socdaan Taliyayaasha Nabad Sugida iyo Booliska degmada, iyo howl wadeeno badan oo maamulka kamida.

Dadkii goobta buux dhaafiyay waxaa si kore iyo hoosaba loogu sheegay ineysan u dhawaan gaariga oo qaraxyo looga shakisanyahay, balse dadka weyba ka maahsanaayeen fariimahaa digniinaha ahaa.

Inkabadan 40 daqiiiqo ayaa la iska dul taagnaa gaariga qaraxyada ay ka buuxeen, maamulka, Saraakiil iyo Shacabba cid aagiisa ka maqneyd maaney jirin.

Waxaa la ii sheegay in laba kamida dhalinyaradii goobta tagtay uu mid kamida gaariga hoostiisa galay, halka kan kalena uu gargaraacay turuska hore ee gaariga, labadooduba wey ka badbaadeen xasuuqa dhacay.

Qof kamida asxaabta ayaa u tagay dhalinyaradii gaariga ka agdhaweyd oo qaarna soo jiiday kuwana ugu qeyliyay in gaariga qaraxyo ka buuxaan ee laga soo cararo, balse wali dadka wey dhooban yihiin halkii gaariga.

Waxaa la isku raacay in meydsdka labada qof ee hore ee la dilay la saaro gaari Ambalaas ahaa oo loo qaaday dhanka C.I.D, afar dhalinyara ah ayaa la raaciyay, saaduu gaarigaa u baxay ayaa mar kaliya la maqlay qarax aad u xooggan oo mar kaliya bedelay jawigii goobta.

Meeshii camirneyd waxa ay isu bedeshay lama degaan, dadkii waxaa kala qariyay qiiq iyo Uuro, waxaa la maqlayay oo kaliya dhalinyaradii qaar oo leh war i qaada dhaawac baan ahayee.

Dadkii qaraxa ka badbaaday ayaa wada argagaxay, mid kasta oo gaari watay ayaa marba gaariga dhinac ula carara, hadana wuxuu ku soo laaban isla goobtii uu ka tagay, gawaaridii waxey noqdeen kuwo muraayadihii ah ka wada daataan.

Gaarigii Ambalaaska ayaa labadii meyd ee hore laga dajiyay oo lagu daad gureeyay dhaawacyadii qaraxa ee naftu ku jirtay.

Waxaa meesha ku geeriyooday gudoomiyihii waaxda Liiq Liiqato ee degmada Kaxda Wll Nuur Geedoow, xiliga qaraxa uu qabsanayay waxa uu ku hadlayay tilifoon gaarigana waxa uu kamid ahaa dadkii ugh dhawaa.

Waxaa meesha dhaawac ahaan looga soo qaaday dad 10 ruux ah oo wada Ilma Adeera ah, taasoo keentay iney nagu adkaato cida aan Isbitaalka ku heyneyno, maadaama ehel la wada yahay.

Ma Koot Libaax baan heynaa, mise Xuseen Daahir oo ka daran, mayee Armuu labadoodaba Bashiir Garab ka sii daran yahay, Axmed Bashiir horta hala aado isagaa dhiig u baahanee, Maxamed Cabdi Cali hadda ma hadli karaa, Cabdi Khadar iyo Yaasiin Yuusuf horta qeybta ICU-da malaga soo saaray.

Waxaa Diyaariyey: Cabdulshakuur Maxamed

Hadalsame Media