DEG DEG: Nin qudha ka jaray dad ku jirey kaniisadda ugu wayn magaalada Nice & sida ay wax u dheceen + Muuqaal

0

(Nice) 29 Okt 2020 – Ugu yaraan 3 qofood ayaa dhimatay – kuwaasoo laba ka mid ah qudha laga jaray – halka ay dhowr kale dhaawacmeen kaddib markii middiyo lala dhacay jeer ay ku jireen gudaha meel kaniisad ah oo ku taalla magaalada Nice.

Weerarka ayaa dhacay 9AM jeer ay dadku ku jireen gudaha kaniisadda Notre Dame Basilica – oo ah kaniisadda ugu wayn mad’habta Roman Catholic ee ku taalla Nice.

Booliiska ayaa markiiba kaniisadda galay, halkaasoo ay ku toogteen kaddibna isagoo dhaawac ah ay ku qabteen ninkii weerarka soo qaaday oo loo qaaday isbitaalka. Booliiska ayaa sheegay inay u muuqato inuu yahay nin kaligii duul ah.

Duqa Magaalada Christian Estrosi ayaa sheegay in laba ka mid ah dadkii la weeraray ay goobta ku dhinteen, kuwaasoo kala ah haweenay iyo nin mutadawac ahaa oo howlwadeen ka ahaa kaniisadda, oo labadaba qoorta laga jaray.

Haweenayda 2-aad iyada qoorta ayaa la midiyeeyey balse waxay ku guulaysatey inay kaniisadda ka cararto iyadoo gashay baar yar oo ku yaalla jidka dhiniciisa halkaasoo ay dhaawaceedii ugu dhimatay, sida ay warbixintu sheegayso.

Estrosi ayaa intaa raaciyey in ninka weerarka gaystey uu ‘ku qaylinayey Allahu Akbar xitaa markii la dawaynayey’, isagoo intaa raaciyey in hadda kaddib ay ‘Faransiiska u taallo inuu meesha ka saaro xeerarka nabad kula dhaqanka wax uu ku sheegay Islamo-fascism.’

Waxaa la xirey dhamaanba jidadkii soo gelayey goobtii uu shilku ka dhacay.

Hadalsame Media