Barcelona oo Ronaldo si dadban u qaniintey & Juventus oo siisay jawaab basbaas leh (Arag qoraalka)

0

(Barcelona) 29 Okt 2020 – Lionel Messi ayaa goolka 2-aad u dhaliyey kulankii ay xalay Barcelona badis boqol ah oo ay 2-0 bannaanka iskaga dhigtay kooxda Bianconeri iyo macallinkooda Pirlo, balse waxaa maqnaa arbaha Cristiano Ronaldo, kaasoo aan ka badbaadin camirashada kooxda Catalonia.

Ronaldo la’aantii, waxay Juventus ku fashilantay inay gool saaxi ah la timaado maadaama dhinac bax laga wada dhigay 3 gool oo uu dhaliyey Alvaro Morata oo xalay ahaa laacibkii ugu dedaalka badnaa bahda Juve.

Yeelkeede, Barcelona ayaan intaa uga harin Juve oo waxay arrinta la tagtay baraha bulshada, iyadoo Twitter-ka kusoo qortay: Waannu ku faraxsan nahay inaad laacibka ugu wanaagsan adduunka (GOAT) aad garoonkiinna ku arki karteene, @juventusfcen!”

Juventus oo iyada oo aan maada ka tegeynin markeeda wax qaniinaysa ayaa iyaduna usoo jawaabtey oo tiri: ”Malaha jiho khaldan baad eegteene annagaa midka saxda malcabka Camp Nou idiinkugu keenayna.”

Hadalsame Media