”Shiinuhu wuxuu qabsanayaa caalamka haddii aysan Yurub tillaabo qaadin” – Sirdoonka Jarmanka

0

(Berlin) 26 Okt 2020 – Dalka Shiinaha ayaa la sheegayaa inuu qarka u saaran yahay ‘inuu caalamka qabsado’ iyadoo ay Yurub tahay in ay halistaa u istaagto oo ka hortagto, sida uu qabo basaas Jarman ah.

Gerhard Schindler ayaa sheegay in Beijing ay ‘si aad u xirfadaysan’ u faafinayso saamaynta ay ku yeelanayso Yurub, Aasiya iyo Afrika, isagoo iftiimiyey in tiknolojiyaddoodu ay haatan aad u hormartay, xad aanu Jarmanku sheegi karin waxa ay u adeegsanayaan.

Schindler ayaa Jarmanka ugu baaqay inay iska tuuraan adeegyada Huawei oo haatan ka mid ah shabakaadkooda mobayllada ee 5G si uu dalku u noqdo mid aan si wayn ugu ”tiirsanayn” Beijing, isagoo sidoo kale ka dhawaajiyey warkii DF Maraykanka ee ahaa in ay basaas u yihiin Xisbiga Hantiwadaagga.

Isagoo la hadlayey The Times, wuxuu Schindler dhanka kale ku dooday in go’aankii ay Angela Merkel ay Jarmanka ugu furtay qaxootigii ugu badnaa 2015-kii ay keentay inuu Jarmalku noqdo ”balli wayn” oo ay ka buuxaan rag Muslimiin ah oo u nugul in la xag-jireeyo, la tababaro kaddibna rabsho loo adeegsado.

Wuxuu kale oo uu Schindler farta ku godey in siyaasadda hujuumiga ah ee South China Sea ay tahay astaan muujinaysa saamaynta siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee Shiinaha ee sii kordhaysa.

Angela Merkel meets Chinese leader Xi Jinping in Beijing two years ago. Germany's former spy chief has warned that China is on the brink of 'world domination'

Hadalsame Media