Azerbaijan oo sheegtay inay fahamtey xeelad ay degeen dalalka hubeeya Armenia & taangiyadii ugu badnaa oo ay gubeen

0

(Baku) 26 Okt 2020 – Waxaa jira dalal doonaya xabbad joojin madadaalo ah si ay hub ugu diraan dalka Armenia oo looga itaal roonaa dagaalladii ugu dambeeyey, sida uu haatan sheegayo MW Azerbaijani ee Ilham Aliyev.

Aliyev oo dadkiisa la hadlay ayaa sheegay in Azerbaijan ay xabbad joojinta ogolaatay si la isu dhaafsado maxaabiis iyo maydad, balse ay Armenia burrisey daqiiqado yar uun kaddib.

Wuxuu dhaliilay dalal uu sheegay inay jiraan hoosta kala jira Armenia balse xabbad-joojinta u adeegsanaya xeelad dagaal ahaan. “Muxuu qofna u doonayaa xabbad-joojin si uu hub usoo diro?” ayuu is waydiiyey isagoo soo jeediyey inay dalalkaasi Armenia u sheegaan inay ka baxdo Nagorno-Karabakh, oo ay 30 sanadood haysato si ay xabbadu u wada jogsato.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in tan iyo markii uu dagaalku bilowday 27-kii Sebtembar, ay ciidanka Azerbaijan burburiyeen 252 taangi, isla markaana qabsadeen 53 kale, halka ay dhulka dhigeen 6 batari oo ah hannaanka daafaca cirka ee S-300.

Dalka Ruushka iyo dalal kale oo reer Galbeed ah sida Maraykanka, Faransiiska iwm, ayaa taageera Armenia oo aad uga tiro yar Azerbaijan, balse hub badan hesha.

Hadalsame Media