XOG: Paul Pogba oo la sheegay inuu ka dhiidhinaya Islaam nacaybka Macron uu ka fariistay Xulka Faransiiska

0

(Manchester) 26 Okt 2020 – PAUL POGBA ayaa sida la sheegayo wuxuu ka tegey ciyaaraha caalamiga ah kaddib markii uu MW Faransiiska ee Emmanuel Macron uu Islaamka ku eedeeyey inuu yahay isha argagixisada adduunka.

Laacibka Manchester United ayaa la sheegay inuu go’aankan ka qaatay warkan oo Jimcihii kasoo yeerey MW Faransiiska oo bilihii dambe aad u daba dhigtay Muslimiinta iyo Islaamka.

Dowladda Faransiiska ayaa warkaa kahor waxay dib u daabacday muuqaallo gef ku ah Nabi Muxamed (NNKH) iyagoo sheegay inay taa ku maamuusayaan macallin Faranji ah oo la oran jirey Samuel Paty, 47-jir, oo uu qudha ka jaray wiil arday u ahaa oo ka xumaaday muuqaallo xun oo uu ku mitaaley Nabiga.

Yeelkeede, warkan oo kasoo baxaya ilo Bariga Dhexe ah ayaanay weli ka hadlin laacibka 27-jirka ah iyo Xiriirka Faransiisku.

Wararka lagu qorayo saxaafadda Carbeed ee aan weli la hubin waxaa ka mid ah inuu sidoo kale xulka ka fariistay Ousmane Dembélé, balse weli wax rasmi ihi ma jiraan.

Hadalsame Media

Facebook Comments