Muxuu Bogba ka yiri warka sheegaya inuu ka fariisanayo ciyaaraha Xulka Faransiiska?

0

(Manchester) 26 Okt 2020 – Laacibka Paul Pogba ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya inuu ka fariisanayo ciyaaraha caalamiga ah ee uu ku metelo Xulka Faransiiska isagoo ka ashtakoonaya MW Emmanuel Macron oo Islaamka ku tilmaamay ”isha argagixisada.”

Warar badan oo ka imanayey dhanka Bariga Dhexe, ayaa qorarey in jookarka Manchester United oo Muslim ihi uu ka fariisanayo ciyaaraha xulkiisa kaddib warkii muranka dhaliyey ee uu Macron Jimcihii sheegay.

Yeelkeede, Sportsmail ayaa qoraya in Pogba aanu dhankaa u soconin oo uu usii dheelayo Xulka Buluuglayaasha.

Pogba ayaa Instagram kusoo qoray in wararkaasi aanay ”waxba ka jirin” isla markaana uu la yaabay, ka caroodey kana xumaaday”, isagoo ku tilmaamay ”warbixin aan la aqbali karin.”

Paul Pogba reportedly quit playing for France over president Emmanuel Macron's comments over fighting Islamic separatism - but Sportsmail understands that this is not his intention

Pogba, a convert to Islam, posted this picture of him visiting Mecca on Instagram in 2019

Hadalsame Media