DEG DEG: ”Yaan la iibsanin alaabooyinkooda’ – MW Erdogan oo soo jeediyey in la qaaddaco badeecada Faransiiska

0

(Ankara) 26 Okt 2020 – MW Faransiiska ee Recep Tayyip Erdogan ayaa si rasmi ugu baaqay dadkiisa Turkiga inaysan iibsanin badeecooyinka iyo adeegyada Faransiiska, isagoo sii xoojiyey mucaaradadda ka dhanka ah MW Faransiiska ee Emmanuel Macron oo bilihii dambe caddaystay dagaal ka dhan ah Muslimiinta.

Erdogan ayaa horay Sabtigii u sheegay in Macron ”madaxa looga jiro” taasoo keentay inay Paris deg deg ugu yeerato Danjiraha ka fadhiya Ankara. Ha yeeshee warkii ayuu markale ku celiyey Erdogan.

“Waxaan muwaadiniintayda halkan u jeedinayaa inay qaaddacaan iibsiga alaabooyinka Faransiisku sameeyo oo aysan caawinin sharikaadkooda,” ayuu yiri Erdogan.

MW Turkiga ayaa sidoo kale madaxda Yurub ugu baaqay inay diidaan siyaasadda Islaam nacaybka ah ee Macron isagoo xaaladda ay ku sugan yihiin Muslimiinta Yurub ku mitaaley mid la mid ah tii ay Yuhuuddu ku sugnayd kahor Dagaalkii 2-aad ee Dunida, isagoo siyaasiyiin badan oo reer Galbeed ah ku eedeeyey inay ku socdaan aragtidii Fascism-ka.

France ayay arrintani jug wayn wayn ku tahay waayo waa dalka 10-aad ee badeecooyinka ugu badan ka iibiya suuqa Turkiga, sida ku cad tirakoobka Turkiga.

Waxaa waxyaabaha Faransiiska laga keeno ugu badan gawaarida ay sameeyaan sida Renault, Beageut, Citron iwm oo ka mid ah gawaarida ugu badan ee laga isticmaalo Turkiga.

‘Ajende Islaam diid ah’

Macron oo marar badan jeediyey hadallo ay dhibsadeen Muslimiintu guud ahaan ayaa beryihiin dambe dalkiisa ka wadey wax uu ku sheegay la dagaallanka “Gooni-goosadka Islaamiyiinta,” isagoo kaddib dilkii nin macallin ahaa oo Nabiga (NNKH) caayey albaabbada iskugu dhuftay masaajid iyo ururro aan shuqul ku lahayn waxa dhacay oo aan waxba lagu caddayn.

Hadalsame Media