DHEGEYSO: Cillado hor taagan qaxooti Somalia ku sugan oo helay ogolaanshaha Sweden

0

(Muqdisho) 26 Okt 2020 – Waaxda Socdaalka Sweden ayaa Jimcihii waxa ay soo saartay saadaal cusub oo ku saabsan sida uu noqonayo isbedelka qaxootiga iman kara dalka Sweden.

Waxyaabaha ay eegeen waxaa ka mid ahaa inta ay noqonayso qoondada qaxootiga ay aaminsan yihiin inay Sweden iman karaan kahor inta aanu dhamaanin sanadkan uu karoonuhu la degey.

Waxaa haatan jirta in qaxooti badan oo la siiyey rukhsad ogolaansho oo ay Sweden kusoo galaan aanay iman Karin iyagoo ku kala xayiran daafaha caalamka durayga dilaaga ah ee coronavirus dartii.

Waxaa dadkaa ka mid ah 20-jir Itoobiyaan ah oo aannu siinay magaca Cali sababo amaan dartood, kaasoo helay fiisaha qaxootiga xagaagii 2019-kii, balse aan weli cag soo dhigin dalka Sweden, isagoo ku sugan dalka Somalia.

FG: Waxaa codka wiilka metelaya Keenadiid Maxamed.

Hadalsame Media