Fannaanka Qamar Suudaani oo goor dhowayd lagu xirey magaalada Berbera (Halka uu ka yimid)

0

(Berbera) 26 Okt 2020 – Fannaanka Soomaaliyeed ee Qamar Suudaani, ayaa lagu qabtay laguna xirey magaalada Berbera.

Sida lagu faafiyey hilinka HCTV oo la xiriirey sarkaal ka tirsan Booliska Berbera, Qamar ayaa laga dejiyey gaari ka yimi dhanka Puntland.

Qamar, oo muddooyinkan ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu hadda ka soo laabtay, ayaan weli la rasmiyeynin dembiga lo8 xirey.

Fannaanka ayaa la fahamsan yahay inuu dayuurad ku yimid kaddibna uu socdaal dhinaca dhulka ah kaga yimi dhinaca Garoowe.

Hadalsame Media