”Xukuumaddu faragelin ayay ku haysaa xubnaha Somaliland” – Maareeye oo dhaliilay XF oo uu ka tirsanaa

0

(Muqdisho) 25 Okt 2020 – Wasiirkii hore ee Warfaafinta DF Somalia, Md Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo sidoo kale haatan ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hoose, ayaa Wasiirro ka tirsan Xumuuadda RW Roobe iyo Xoghayntiisa gaarka ah ku eedeeyey inay faraha la galeen xulista Guddiyada Doorashooyinka Wakiilladda Somaliland.

Md Maareeye oo ka mid ah guddi horay loogu magacaabay qabanqaabada doorashada xildhibaanada metelaya gobollada waqooyi ee dalka, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ay u yimaadeen wasiirro uu mid kastaahi jeebka ku sito liis dheer oo ku saabsan magacaabidda guddiyada doorashooyinka wakiilladda Soomaaliland, taasoo uu aad u dhaliilay.

Wuxuu intaa raaciyey Maareeye, in xubno uu ka mid yahay isaga iyo siyaasiyiin kale oo reer woqooyi ihi ay Raysal Wasaaraha ka codsadeen in aan lasoo faro gelin doorashada xildhibaannada laga soo xulayo Somaliland oo lagu wado in lagu dhex doorto Muqdisho.

Maareeye ayaa iska waayey Golaha Wasiirrada cusub tiiyoo uu marar badan muujiyey inuu taageersan yahay madaxda sare oo lagu xamanayo inay wax soo xusheen, waloow ay taasi khalad ku tahay danaha qaranka, he yeeshee, wuxuu haatan u dagaallamayaa inaan xildhibaannimada la dhaafin.

Hadalsame Media