Khabiib oo ka hadlay laacib Muslim ah oo uu jeclaa inuu la sheekaysto intii uu noolaa & xiddigo waawayn oo uu hadda la sheekaysto & daawashada ciyaaraha

0

(Abuu Dabeey) 25 Okt 2020 – Horyaalka Feerma Miisaanka Fudud ee UFC, Khabib Nurmagomedov oo xalay ciyaaraha ka fariistay ayaa sidoo kale qirtay inuu yahay taageere ku waalan daawashada ciyaaraha kubadda cagta oo uu sheegay inuu ka jecel yahay feerka uu dheelo.

Nurmagomedov oo xalay wareegga 2-aad uga adkaaday feeryahan Maraykanka ah ee Justin Gaethje oo ay Abuu Dabeey ku ciyaareen UFC 254, ayaa sheegay in jeclaan jirey inuu noqdo laacib kubadda cagta ah.

Khabib, ayaa sheegay inuu si gaar ah xiriir ula leeyahay jookarrada Cristiano Ronaldo, Karim Benzema iyo Zlatan Ibrahimovic, oo uu tilmaamay inuu waydiiiyo sababta ay muddo dheer ugu suuragashay inay heer sare jooogaan jir ahaan iyo caqliyad ahaanba.

“Waan ku caajisaa feerka UFC. Waxaanse aqaannaa dhamaanba kooxaha kubadda cagta, waxaan xusuustaa kooxdii qaadday UEFA Cup, Champions League, European Championships – Waxaan xusuustaa dhamaanba sida loo dheeley kulamada heerka guruubyada,” ayuu yiri.

Khabib ayaa ka hadlay hal qof uu jeclaan lahaa inuu la kulmo oo la sheekaysto, balse aanu haleelin isagoo miir qaba nasiib xumo.

“Waxaan doonayey inaan la kulmo Muhammad Ali, balse waloow aan fursad u helay inaan u tago, ma uusan hadli karaynin, marka waxaan go’aansaday inaanan dhibin.” ayuu yiri Khabib.

Ronaldo ayaa ka mid ahaa laacibiintii iyo dadkii caanka ahaa ee xalay usoo hambalyeeyey. ”Walaal, aabbahaa wuu kugu faanayaa.” ayuu soo qoray CR7 in yar kaddib dhamaadkii feerka uu ku fariistay Khabib.

Hadalsame Media