DAAWO: “Waalidkaa ogoow!” – Khabiib oo ciyaaraha ka fariistay lana dardaarmay ninkii uu ka badiyey (Maxaa dhex maray isaga iyo hooyadii?!)

0

(Abuu Dabeey) 25 Okt 2020 – Feeryahanka miisaanka fudud ee Khabiib Nurmagomedov ayaa ku badiyey si xarrago leh, isagoo sidoo kale ku dhawaaqay inuu ciyaaraha ka fariistay markii uu garaacay Justin Geathje oo uu wareegga 2-aad feer 3 xagal ah ku daandaamiyey.

Khabiib oo kanfaska muddo ku dul murugoodey ayay aad u saamaysay geeridii aabbihii Cabdulmanab oo riingaha dhinac taagnaan jirey oo Luulyo dhintay ayaa gaarey 29-0 guulood iyadoo aan abid dhiniciisa dhulka la dhigin.

“Waad mahadsan tihiin saaxiibadii ila joogey sida aabahay muddo 10 sanadood ah. Macallin Jav waa jeclahay. Kooxdayda oo dhan mahadsanidiin,” ayuu yiri kaddib dhamaadkii feerka oo ka dhacay Abuu Dabeey.

“Waa feerkii iigu dambeeyey caawa. Markii ay xiriirka UFC iila yimaadeen hindisaha Justin ma aanan doonayn inaan feertamo aabbe la’aantii, hooyana ma doonayn oo 3 maalmood ayay ila hadlaysey. Balse waxaan ku qanciyey inay tani iigu dambaynayso waxaana ilaalinayaa ballanta aan ka qaaday hooyo,” ayuu yiri.

“Mahadsanid Justin. Waan ogahay inaad nin wanaagsan tahay. Waalidkaa u dhowoow, waayo marna ma ogid waxa berri dhacaya.” Ayuu kula dardaarmay feeryahankii uu ka badiyey.

Justin waa Maraykan halka Khabiib uu yahay laacib Muslim ah oo kasoo jeeda Jamhuuriyadda Dagestan oo ka tirsan Xiriirka Ruushka.

 

Hadalsame Media