”Turkigu wuxuu Somalia siinayaa dayuurado & dabbaabaad ay cadowga iskaga difaacaan” – Bog Carbeed oo ka hadlay qorshaha Turkiga

0

(Muqdisho) 24 Okt 2020 – Turkiga ayaa Somalia u tababaray ciidamo kala geddisan, waloow ay ma dhalays tahay siyaasadda Soomaalida oo ay hor boodayaan madax aan dux iyo dadnimo badan lahayn oo inta badan eegta dan shakhsi ah oo aad u rakhiis ah.

Yeelkeede, Turkiga ayaa in badan isku daya inuu Soomaalida kala shaqeeyo inay danahooda gartaan oo midoobaan dunidana dhinac ka raacaan si ay caalamka wax ula qaybsadaan, iyadoo intaa lafteeda lagu colaadiyey Turkiga.

Haddaba, bogga Carbeed ee Raadic Al Carabi ayaa soo qaatay waxa uu Turkigu doonayo inuu Somalia u qabto, gaar ahaan Ciidamada Xoogga Dalka.

”Doorka Ciidan ee Turkigu kuma xaddidna tababar uun, balse waxaan filaynaa inuu Somalia ka caawin doono agabka ciidan, dayuuradaha dagaalka, daroonnada, taangiyada iyo badda, si ay Ciidanka Somalia iskaga caabbiyaan cadowga gudaha iyo dibedda.” ayaa lagu soo qoray boggan.

DF Somalia middii hore iyo midda haatan joogta ayaa la sheegay inay diideen dalab uu Turkigu usoo bandhigay oo ahaa inay la galaan heshiis dhanka amaanka ah, si uu Turkigu ciidan ugu soo diro Somalia, haddii loo baahdo lamana oga sababta, maadaama aanu jirin dal kale oo Somalia u sameeyey naf-hurid iyo taageero intaa le’eg oo kale.

Hadalsame Media