”Dadkayga & dalal kale ayaa i khaarajinaya haddii aan heshiis la galo Israel” – Sir laga kashifay MBS & dalalka magacyadooda

0

(Riyaad) 24 Okt 2020 – Dhaxal-sugaha Sucuudiga, Mohammed bin Salman ayaa ku sir qarsaday bilyaneerka Israeli-Amerikaanka ah ee Haim Saban inuu naftiisa u cabsanayo haddii uu xiriir la yeesho Israel, sida Haaretz lagu qoray.

Ninkan oo MBS loosoo gaabiyo ayaa ku dooday in haddii uu raaco raadka Imaaraadka iyo Baxrayn uu cabsi ka qabo inay “khaarajiyaan dalalka Iiraan, Qadar iyo dadkiisu”, sida uu kashifay Saban oo lagu sir qarsaday.

Ganacsadahan dhanka madadaalinta ka xoolaystay ayaa haatan taageersan Joe Biden iyo Kamala Harris oo uu sheegay inuu ku jiro baraaraha iyo amaanka Israel taasoo ka dhigan inuu ka horjeedo Trump oo ay isku fiican yihiin MBS.

Saban, oo ah ninka sameeyey Mac’hadka Saban Center for Middle East Policy ee Brookings Institution, ayaa ka mid ahaa dimoqraadiyiintii fara ku tiriska ahaa ee Aqalka Cad joogey markii halkaa lagu saxiixay wax lagu sheegay ”Heshiiskii Ibraahiim”, 15-kii bishii tagtay.

Hadalsame Media