”Masar marka dambe waa qarxinaysaa biyo-xireenkaas!” – Trump oo sheegay war ay dunidii la yaabtay (Daawo)

0

(Washington, DC) 24 Okt 2020 – MW Maraykanka ee Donald Trump ayaa muujiyey caro la yaab leh oo ku aaddan biyo-xireenka ay Ethiopia ka dul dhisanayso webiga Niilka Buluugga ah ee iyada kasoo daada isagoo weliba Masar usoo jeediyey inay duqeeyaan.

Trump ayaa warkan sheegay mar uu ku dhawaaqayey xiriirka uu isagu dabada ka riixayey oo ay Suudaan la yeelatay Israel, isagoo xilligaa la hadlayey madaxda labadaa dal oo telefoonka ugu jirey.

“Waa xaalad halis ah maxaa yeelay Masar sidaa uma noolaan karto,” ayuu yiri Trump oo dhex fadhiya Xafiiska Ukunta ah ee Aqalka Cad isla markaana warka u sheegaya madaxda Suudaan iyo Israel.

“Ugu dambayn way qarxin doonaan biyo-xireenka, si cad baan cod dheer ugu sheegayaa, way qarxin doonaan. Waana inay si uun yeelaan,” ayuu yiri Trump oo aan u dhaqmaynin sida madax dal.

“Waxay ahayd inay joojiyaan inta aan la bilaabin,” ayuu Trump yiri, isagoo weliba ku daray in Masar la gaaday xilli ay ku mashquulsanayd kacaan yar 2011-kii.

Trump ayaa dhanka kale sheegay inaysan wax gargaar ah siin doonin Itoobiya oo ay xayirayaan haddii aysan adeecin heshiis horay loo galay.

Dad badan ayaa la yaabban sida ay u fiiqan tahay luuqadda uu adeegsanayo MW Maraykanka oo aad uga baxsan xayndaabyada diblomaasiga ah iyo sida loogu dhaqmo. Dalka Suudaan ee lala hadlayo laftiisa ayaa qaab qoor qabad ah lagu geliyey heshiiska Israel.

Hadalsame Media