Ciidanka Azerbaijan oo qabsaday 13 tuulo oo hor leh & dagaalka oo hakan la’

0

(Baku) 24 Okt 2020 – Ciidanka Azerbaijan ayaa ku xoreeyey 13 tuulo oo hor leh dagaalka ay kula jiraan Armenia, sida uu sheegtay MW Azerbaijan ee Ilham Aliyev.

Wuxuu sheegay in Azerbaijan ay qabsatay xaafadaha hoos taga Dolanar iyo Bunyadli ee Khojavend, Dag Tumas, Nusus, Xelefli, Minbashili iyo Veyselli iyo tuulooyinka Jabrayil hoos taga ee Venedli iyo midda Mirzehasanli hoos tagta ee Zengilan. Waxaa kale oo la xoreeyey tuulooyinka Zilanli, Kurd Mahrizli, Muganli iyo tuulada Alagurshag ka tirsan ee Gubadli.

Azerbaijan ayaa sidaa ku qabsatay magaalooyin degmooyin iyo tuulooyin 130 ka badan tan iyo bilowgii dagaalka Nagorno-Karabakh oo ah gobol 30 sano ku dhowaad laga haysto dalkaasi, kaddib markii ay ciidanka Armenia oo garab istaraatiji ah ka helaya Ruushku ay qabsadeen.

QM ayaa qaraarro badan kusoo saartay inay ka baxaan gobolkan oo 20% ka ah geyiga Azeeriyiinta, balse wuxuu warkaasi ku dhibcay dhego layr u daloola.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments