”Waxaa lagu dhex xirtey meel wershad ah!” – Safaaradda Hindiya ee Kenya oo qayladhaan u dirtay DF Somalia (33 shaqaale ah oo Muqdisho lagu haysto)

0

(Muqdisho) 24 Okt 2020 – Safaaradda Hindiya ee Kenya ayaa sheegtay inay xiriir la sameeysay DF Somalia si loosoo furto 33 shaqaale Hindi ah oo ay shirkadi xoog ugu haysato Muqdisho, sida lagu qoray Hindustan Times.

Safaaradda ayaa sheegtay inay xiriir joogto ah la samaynayso Wasaarad Dibadeedka Somalia si loo soo furto 33 shaqaale oo Muqdisho lagu haysto, mar ay ka jawaabaysey tweet uu sameeyey gayfane Rajesh Mani.

Rajesh Mani oo ka socda ururka Manav Seva Sansthan ayaa sheegay in la haysto 33 shaqaale Hindi ah, oo ay ku jiraan 25 kasoo jeeda gobolka Uttar Pradesh, ay muddo 8 bilood ah u xiran yihiin shirkad Soomaali ah, isagoo sheegay inuu arrintan ka war helay kaddib markii uu lasoo xiriirey qof shaqaale ah oo kasoo jeeda degmada Kushinagar.

Mani ayaa sheegay in shaqaalahan 21 ka tirsan ay kasoo jeedaan tuulada Gorakhpur. 6 Bihari ah iyo laba kasoo kala jeeda Punjab iyo Himachal Pradesh.

Ninka ayaa sheegay inuu deeto la xiriirey Safaaradda Hindiya ee Kenya si dadkaa loo caawiyo, kuwaasoo u ballan qaaday inay tillaabo qaadayaan waxayna la xiriireen DF Somalia.

Shirkadda Soomaalida ayaa la sheegay inay shaqaalahan soo qorteen 10 bilood kahor, iyagoo 2 bilood wanaajiyey balse 8-dii bilood ee ugu dambeeyey ayaa lagu dhex haystaa wershadda ay ka shaqaynayaan iyagoo aan shilin loo taagin, waxaa kale oo lagu diley baahi iyadoo laga urursaday baasaboorradoodii.

Arrintan dhiig-miirashada ah ayaa haddii ay run tahay waxaa khasab ah in dadka sameeyey laga qaado tillaabo aad u adag.

Hadalsame Media