Bankiga Dhexe ee dalka oo meesha ka saaray warar horay u sheegayey bankiyo ay wax ku kaydsato kooxda Shabaabku

0

(Muqdisho) 22 Okt 2020 – Bankiga Dhexe ee Somalia ayaa war saxaafadeed rasmi ah oo beenin ah kasoo saaray warar sheegayey inay jirto dacwad ka dhan ah Bankiyo gaar ah oo ku yaalla Somalia.

Bankiga Dhexe ayaa sheegay inay wararkaasi yihiin been abuur inta badan lagu dhisay maxaddooyinka baraha bulshada, waloow aanu sii faahfaahinin intaa ka badan.

Bankiga ayaa daba socda war beri dhowayd lagu faafiyey New York times, kaasoo lagu sheegay in dhaqaalaha Shabaabka soo gala ay ku kaydsadaan bankiyada gaarka ah ee Somalia.

Waxaa warbixinta New York Times oo xiganaysey nuqul kamid ah warbixin ay kasoo baxday guddi ka tirsan Qaramada Midoobay lagu magac dhabay Bankiga Salaam Somali Bank oo la sheegay inuu yahay midka ay Shabaabku dhaqaalaha ku kaydsadaan.

Yeelkeede, Bankiga Dhexe ayaa iminka sheegay inuu isagu kor joogteeyo dhamaanba Bankiyada gaarka ah sidaa darteedna aanay jirin wax iminka khaldani, isagoo xaqiijiyey inaysan jirin dacwad ka timid Banki Soomaaliyeed.

Hadalsame Media