”Waan aqbalay sii daynta Bilaal” – Wasiir Gudeedka Somaliland oo muujiyey in xirista/daynta qofku aanu sharci u baahnayn

0

(Hargaysa) 22 Okt 2020 – Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay inuu ”aqbalay” codsiyada ah in la sii daayo Bilaal Bulshaawi, oo ka mid ah dhallinyarada caanka ka ah barta Tiktok, kaas oo ku xiran magaalada Hargeysa.

Qaar ka mid ah dadkii ka soo qeyb galay munaasabad ka dhacday magaalada Hargeysa oo billad sharaf lagu guddoonsiinayay duuliye hore Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) oo la sheegay inuu diiday in diyaarad uu waday ay duqeyso Hargeysa sanadkii 1988, ayaa ugu baaqay dowladda Somaliland inay sii daayaan wiilkaas, sida ay faafisay BBC.

Wasiirka oo isagana munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inuu ”aqbalay” codsiyada loo soo jeediyay, ayna arrinta wiilkaas tallaabo ka qaadi doonaan.

Haddaba arrintan qof inta la xiro iyada oo aan wax dembi ah oo uu galay aanay jirin uu qof madax ihi iska sii dayn karo waxay muujinaysaa inay dadku u xiran yihiin madaxda uun, taasoo ah arrin aan xeerka waafaqsanayn.

Caadiyan waa inuu sharcigu xitaa soo qaban karaa oo xiri karaa min Madaxwayne ilaa musqul qode oo lagu siman yahay hortiisa, balse waxaa halkan ka muuqata in qofka la iska xiri karo lana iska sii dayn karo taasoo ku xiran hadba dookha ninka madaxda ah, waayo Wasiirku ma dhihin waxaa lagu haystey dembi ama lagu waayey ee wuxuu adeegsadey erayga ”aqbalaad”, taasoo u fasirmaysa xirid iyo furid intaba inay ku xiran tahay aqbalaadda madaxda.

Tifaftirka

Hadalsame Media