Turkiga oo laba dal oo Muslim ah ka iibinaya hub nooc cusub ah oo uu sameeyey + Sawirro

0

(Antalya) 22 Okt 2020 – Sharikad deggan koonfurta Turkey oo samaysa agabka ciidanka ayaa samaysay hub kala nooc ah oo lid daroon ah, kuwaasoo uu ku jiro hannaan digniin hore ka bixiya dayuuradaha is wada, ayaa hubkaa ka iibinaysa labada dal ee Qadar iyo Albania.

Shirkadda National War Technologies Defense Systems Inc., oo deggan koonfurta gobolka Antalya, ayaa muddo 25 sanadood ah soo waddey daraasaadka iyo mashaariic la xiriira hubkan.

Labadan dal ee Muslimka ah ayaa noqday kuwii ugu horreeyey ee iibsada hubkan dhanka dibedda, iyagoo sidoo kale wada hadal kula jira dalal kale oo rukhsad ogolaansho ah ka haysta Hay’adda Agabyada Ciidanka ee Turkiga.

Bekir Yalçın, oo ka tirsan qaybta cilmi baarista ayaa Anadolu Agency (AA) u sheegay in hubkan oo ay ka mid yihiin aalado tashwiish daran furaya loogu tala galay in loo adeegsado daroonnada sida daroogada, bambooyinka iwm, ee gaar ahaan looga gol leeyahay in khalkhal iyo cabsi lagu abuuro.

Yalçın ayaa sheegay in hubkan oo la yiraahdo “IHAMAX” ee labadan dal laga iibiyey uu ka sarreeyo kuwa aynigiisa ah, isagoo la qaadi karo oo cufkiisu uu yahay 3-4-kg (6.6 ilaa 8.8-rodol), isla markaana uu bixinayo ilaal jiif iyo joogba ah oo ligan.

IHAMAX ayaa dabooli kara 2 km (1.24 mayl), taasoo ku xiran xaaladda juqraafi iyo sida uu yahay xiriirka danabeed ee taliska dhexe ee ciidanka adeegsanaya.

Hadalsame Media