Shiinaha oo Taiwan ku callaqay gantaalo sida madaxyo guuxooda ka dheereeya & dagaal laga cabsi qabo + Sawirro

0

(Beijing) 19 Okt 2020 – Dalka Shiinaha ayaa gantaalihiisa ku xirey madaxyada casriga ah ee guuxooda ka dheereeya isagoo dhigay xeebihiisa xiga dhanka Taiwan si ay ugu darbanaadaan ‘weerar ay dhici karto’ in uu jasiiraddan ku qaado.

Ciidanka PLA ayaa bilihii dambe aad u xoojinayey ciidamada la geeynayo gobollada Fujian iyo Zhejiang oo ay geeyeen gantaalaha xogtooda aadka loo qariyo ee DF-17, sida uu qoray South China Morning Post, oo xiganaya ilo ciidan oo is qariyey.

Gantaalkan ayay adag tahay in ay raadaarradu arkaan iyo in la qabto maadaama DF-17 uu dhowr jeer guuxiisa ka dheereeyo.

Gantaalka DF-17, oo ah baalistig riddadiisu meel dhexaad tahay isla markaana qaadi kara madaxyada guuxooda ka dheereeya ayaa si rasmi ah markii ugu horreeysey loosoo bandhigay 1-dii Oktoobar 2019-kii oo ku beegan Maalinta Qaranka dalkaas.

Wuxuu gaari karaa 2,500 km (1,550 mayl) isagoo ku socda xawaare dhan 7,680 mayl saacaddii (12,360 km/saacaddii) – ama haddii si kale loo dhigo wuxuu guuxiisa ka dheereeyaa 1o jeer, isagoo sidoo kale qaadi kara madaxyada nukliyeedka, sida ay warbixintii hore sheegtay.

Tillaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay cirka ku shareeran tahay xiisadda Beijing iyo Taiwan oo Shiinaha looga arko gobol fallaagoobey.

Hadalsame Media