”Aniga la ima afduuban!” – War cusub oo kasoo kordhay gabadhii Guriceel lagu qabtay + Sawirro

0

(Guriceel) 19 Okt 2020 – Warar naga soo gaaraya magaalada Guriceel ayaa sheegaya war ka duwan midkii horay loo hadal hayey ee ku saabsanaa gabar la sheegay in xalay laga afduubtay agagaarka gurigooda oo ku yaalla Howlwadaag.

Taliyaha Booliiska Guriceel Dhamme Cusmaan Cali Hudeey oo haatan warbaahinta la hadlay ayaa cadeeyey in Hibo maxamed xassan oo maanta Ciidamada Amnigu ka reebeen gaari ay la socotay aan lasoo afduuban, balse iyadu usoo baqooshay xubno ehelkeeda ka tirsan oo Guriceel daggan.

Hibo oo iyaduna hadashey ayaa sheegtay inay rabitaankeeda iyo dano iyada u gaar ah ay kaga soo baxday Muqdisho, waloow ay sheegtay in aanay taa ogeysiinin qoyskeeda taasoo keentay shakiga ah in la afduubtay.

Wararka horay usoo baxayey ayaa se sheegayey inay qoyska iyadu wacday oo u sheegtay in la qafaashay, sida uu weriye Munasar Maxamed sheegay inuu hooyadeed kasoo xigtey.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay gabadhu lasoo baxsatay wiil ay is rabeen, balse cid ilaa hadda taas si rasmi ah u xaqiijisay ma jirto.

Arrintan ayaa khalkhal badan ku abuurtay dadka Muqdisho oo ay dadku ka cabsanayaan carruur la sheegay in la qafaasho, iyadoo weriye Xasan Cadde oo aannu arrintan wax ka waydiinney uu sheegay inay noqon karto mashruuc abaabulan dadka lagu didinayo amaanka iyo nidaamka bulshadana lagu khalkhalinayo.

Hadalsame Media