Wasiirka Dulqaadka Imaaraadka oo loo haysto dacwo ku saabsan gabar Ingiriis ah oo uu la….

0

(Abuu Dabeey) 19 Okt 2020 – Wasiirka Dulqaadka Imaaraadka ayaa loo haystaa eedaymo jinsi la xiriira, taasoo dood gelinaysa qiyamka Wasaarad la doonayey inay tusaale noqoto.

Caitlin McNamara, oo ka mid ah abaabulayaasha mehrejaanka Hay, ayaa sheegtay in Sheikh Nahyan bin Mubarak Al Nahyan uu weerar ku qaaday mar ay wada joogeen jasiirad gaar ah, kahor intii aan Abuu Dabeey laga furin Hay Festival.

Gabadhan ayaa deeto eed rasmi ah u gudbisey Booliiska London Metropolitan Police, halka ay Hay Festival ku dhawaaqeen inay xiriirka u jareen Abuu Dabeey ila inta uu xilka hayo Wasiirkani.

Wasiirka ayaa dorraad sheegay inuu la “yaabban yahay kana murugaysan yahay” dacwadda McNamara.

Dhanka kale, Wasaaradda Dulqaadka ee uu Nayhan xukumo ayaa marar badan lagu maadsadaa maadaama aanu dalkaa dulqaad ka jirin oo ay xabsiyada yaallaan dad badan oo mucaarad ah oo Imaaraati iyo ajnabiba leh.

 

Hadalsame Media