”Ugu dambayn xiriir waan la yeelanaynaa Israel” – Wasiir Dibadeedka Sucuudiga oo bannaanka yimid + Shuruud

0

(Riyaad) 18 Okt 2020 – Wasiir Dibadeedka Sucuudiga, Amiir Faisal Bin Farhan Al-Saud ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu rumaysan yahay in “ugu dambayn xiriir lala yeesho” Israel, sida uu kashifay Mac’hadka Siyaasadda Bariga Dhow ee Washington Institute for Near East Policy oo warkan qoray.

“Waxaan aaminsan ahay in haatan diiradda la saaro in miiska wada hadalka la keeno Falastiin iyo Israel, taasoo ah midda ugu dambaysa ee nabad waarta ka dhex islaaxin karta labada dhinac.” ayuu yiri Amiirku.

“Haddii aannu taa ku guulaysanno, waxaannu diyaar u nahay geeddi socod nabadeed iyo in la dhayo nabarkaa ku yaalla gobolka.”

Amiirka ayaase si ka duwan Imaaraadka wuxuu sheegay in marka hore loo baahan yahay in la helo qorshe siyaasadeed oo ka dhexeeya Israel iyo Falastiin oo ay ka dhalato dowlad ay Falastiin yeelato.

Hadalsame Media