AC Milan oo samaysay arrin marka ay dhacdo ay Horyaalka qaadi jirtey (Akhri 4tan rikoodh)

0

(Milano) 18 Okt 2020 – AC Milan ayaa xalay 2-1 dirtay kooxda ay deriska yihiin ee Inter Milan oo ay marti u ahayd, iyadoo sidaa ku qabatay hoggaanka Horyaalka Talyaaniga ee fasalka 2020-21 Serie A oo ay 100% ku waddo, kaddib 4 kulan.

Zlatan Ibrahimovic ayaa labada goolba dhaliyey, iyadoo ay goolashu yimaadeen 16-kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta, waloow Rossoneri uu Lukaku mid kasoo jaray intii la kala nasan.

Haddaba, Milan ayaa samaysay ilaa afar rikoodh oo taariikhi ah….

– AC Milan ayaa gool dhalisay 24 kulan oo xiriir ah oo Serie A ah markii ugu horreeysey tan iyo 1973-kii (iyadoo markaa gaartey 29 kulan).

– AC Milan ayaa wada badisay 4ta kulan ee ugu horreeya Serie A markii 5-aad taariikhda. Kuwii hore waxay ahaayeen 1995-96 1995-1996 oo kooxdii loo yaqaanney Grande Milan ee Fabio Capello ay bilowgii dishey Padova, Udinese, Roma iyo Atalanta., 1992-93, 1954-55 iyo 1950-51. Milan ayaa markasta oo ay sidaa yeesho horyaalka qaadaysey.

– AC Milan ayaa todobaadkan keli ku noqotay hoggaanka Horyaalka Serie A waana markii ugu horreeysey tan iyo Maarso, 2012.

– Zlatan Ibrahimovic ayaa haatan 8 gool ka dhaliyey Derby della Madonnina, kuwaasoo uu 6 ka mid ah AC Milan u dhaliyey, halka uu labada kale Inter u dhaliyey.

Hadalsame Media